Guudlaawe oo laamaha amniga faray inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilay Nabadoon Colow

Madaxweyne Guudlaawe “Gacanta halagu soo dhigo ciddii dishay Nabadoon Colow”

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyay dilka caawa Nabadoon Cabdi Xuseen Colow loogu gaystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa nabadoonka ku dilay xaafadda Buundoweyn, iyadoo dilka ka dibna ay u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan.

“Allaha u naxariistee marxuumka waxa uu ahaa qof samaha jecel, afgaaban, cibaado badan, u damqada bulshada kuwooda liita, qaybwayna ka qaatay nabadeynta iyo wadajirka bulshada Gobolka Hiiraan.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay nabadoonka, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa laamaha amniga faray inay gacanta ku soo dhigaan ciddii falkaasi gaysatay, isla-markaana ay xaqiijiyaan amniga Magaalada Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com