Macluumaad la xiriira: Dilka Nabadoon Colow loogu gaystay Beledweyne

Nabadoonka Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa caawa lagu dilay Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysnaa ay ninka odayga ah ku dileen xaafadda Buundoweyn, dilka ka dibna ay goobtaasi ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ay goobtaasi gaareen, xilli ay cagaha wax ka dayeen raggii falkaasi gaystay.

Dadka deegaanka ayaa ka carooday in iyadoo magaalada ay jooggaan ciidamadii faraha badnaa ee lagu soo daabulay, aanay haddana ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha.

Nabadoon Colow ayaa si weyn looga garanayay Magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee Gobolka Hiiraan, dilkiisa ayaana ahaa mid ay dadku ka wada naxeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dilka nabadoonka loogu gaystay magaaladaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com