Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa toddobaad ka dib ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa maalmahaanba Magaalada Muqdisho kulamo kula lahaa diblomaasiyiinta shisheeye, kuwaa oo markan uu kala hadlayay xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, gaar ahaan deegaanada Galmudug.
Gelinkii dambe ee maanta markii uu dib ugu laabanayay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Dib ugu soo laabashadiisa magaalada ayaa ku soo aadaysa, xilli ay ka socoto diiwaangelinta ergada soo dooraneysa 8 kursi, oo ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com