Doorashada Golaha Shacabka oo maanta ka bilaabanaysa Degmada Baraawe

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Degmada Baraawe oo ah goob doorashada 2aad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa yaala 26 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

7 kursi ayaa maanta la filayaa in lagu doorto degmadaasi. Kuraastan ayaa ka mid ah 13 kursi oo horey uu Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed u iclaamiyay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadur Maxamed ayaa sheegay in 6-da kursi ee kale, ay doorashadoodu qaban doonaan Khamiista berrito.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dib ka soo saari doonaan jadwalka 13-ka kursi ee kale, ee lagu dooran doono degmadaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in si weyn loo sugay amniga Degmada Baraawe, isla-markaana amniga degmadaasi la siiyay taxadar gooni ah, sida uu yiri.

Koonfur Galbeed oo ah Dowlad Goboleedka kuraasta ugu badan laga soo dooranayo ayaa waxaa yaala 69 kursi, kuwaa oo 29 ka mid ah lagu doortay Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com