Hoobiye-yaal ayaa lagu weeraray Degmada Baraawe

Maleeshiyaad la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa maanta madaafiic ku weeraray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli ay ka socoto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Tiro hoobiye-yaal ah ayaa ku dhacay xaafadaha qaarkood, waxaana la xaqiijiyay in laba qof oo midi ay haweeney tahay inay ku geeriyoodeen madaafiicdaasi, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.

Madaafiicda qaar ayaa ku dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee Baraawe, halkaasoo ay ka socoto doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Ciidamada amniga ayaa madaafiicda ka dib hawada ka saaray isgaarsiintii magaalada.

Illaa 7 kursi ayuu qorshuhu yahay in maanta lagu doorto Degmada Baraawe, oo ah goob doorashada 2aad ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com