Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Maamulka Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo uu wehliyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka ee gobolkaasi.

Madaxweynaha ayaa Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kuwa degmooyinkaba ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanada gobolkaasi.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay abaaraha ka jira qaybo ka mida deegaanada gobolkaasi. Ujeedka ayuuna yahay in gurmad la gaarsiiyo deegaanada ugu daran.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu sheegay in gurmad biyo dhaamin iyo gargaarba la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhanka kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Maamulka Gobolka Hiiraan faray in si degdeg ahi uga shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida ee Beledweyne, si looga hortaggo baa qoraalka lagu yiri kooxaha nabadiidka ee dhibaateynaya bulshada.

Madaxweyne Guudlaawe oo Axaddii gaaray Magaalada Beledweyne ayaa tan iyo xilligaa waxa uu ka wadaa kulamo gooni gooni ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com