Magacyada: 7 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Degmada Baraawe + SAWIRRO

7 kursi ayaa lagu doortay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo ay maanta ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee lagu doorto degmadaasi, oo 26 kursi ay yaallaan.

Saalim Caliyow Ibrow oo dib ugu soo laabtay Golaha Shacabka ayaa difaacday kursigii uu horey ugu fadhiyay, oo tirsigiisu yahay #HOP165.

Yuusuf Maxamed Aadan oo nin dhallinyaro ah ayaa ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka, ka dib markii uu ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP161, isagoona helay 80 cod, halka musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xuseen Faarax uu helay 7 cod oo keliya.

Maryan Maxamed Cali ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee lagu doorto Degmada Baraawe, iyada oo 73 cod ku hantisay kursiga #HOP044, halka gabadhii la tartameysay oo lagu magacaabo Faadumo Xasan Cumar ay heshay 10 cod.

Kursigii xigay oo tirsigiisu ahaa #HOP016 ayaa waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Xuseen Cali Xaaji iyo Ismaaciil Xuseen Axmed, iyadoo uu Xuseen Cali helay 81 cod, halka Ismaaciil Xuseen uu helay 10 cod.

Kursigii 5aad oo tirsigiisu ahaa #HOP152 ayaa waxaa 83 cod ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshirow, halka musharaxii la tartamayay waa Axmed Xasan Geeddi uu helay 16 cod. Xildhibaan Abshirow ayaana horey ugu fadhiyay kursiga uu maanta ku guuleystay.

Kursigii 6aad ayaa waxaa 78 cod ku qaaday musharax Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali, oo 78 cod kaga guuleystay Mahad Cali Axmed oo helay 17 cod. Kursigan ayuu tirsigiisu ahaa #HOP151.

Farxiya Maxamed Cabdi ayaa ku guuleysatay kursigii 7aad oo tirsigiisu ahaa #HOP153, ka dib markii 88 cod ay kaga guuleysatay gabadhii la tartameysay oo lagu magacaabo Anisa Maxamed Xasan oo heshay 12 cod.

Berrito oo Khamiis ah ayaa la filayaa in 6 kursi oo kale lagu doorto Degmada Baraawe. Baraawe ayuu qorshuhu yahay in lagu doorto 26 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com