Mareykanka oo u hanjabay Madaxda Dowladda Somaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xayiraado dhanka fiisaha dalka ku galka ah lagu soo roggi doono cid kasta, oo wax u dhimaysa hannaanka dimoqraadiyadda ee Somaliya.

Bayaan xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo roggi doono shakhsiyaad Soomaali ah, oo ay ku jiraan baa bayaanka lagu sheegay kuwa madaxda haatan ka ah dalka iyo kuwo horeyba uga soo noqday.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in waddada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo nabad waarta oo Somaliya ka hirgasha ay tahay, iyadoo si degdeg ah loo soo geba-gabeeyo doorasho lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu marar badan walaac ka muujiyay dib u dhacyada hareeyay doorashooyinka dalka, isla-markaana ay carqaladaynta dimoqraadiyadda ka dhalan doonto cawaaqib.

“Waxaan ku dhawaaqaynaa dhaqangelinta siyaasadda ee ku xusan qodobka 212, farqadiisa A3C ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xadidaya bixinta fiisaha, masuuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Somaliya iyo shakhsiyaadka kale ee la rumeysan yahay inay masuul ka yihiin amaba ay ku howlan yihiin wiiqitaanka geeddi-socodka dimoqraadiyadda ee Somaliya, oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibadbaxayaasha, xarigga aan cadaaladda ahayn, cabsi-gelinta Wariye-yaasha & xubnaha mucaaradka iyo wax is daba-marinta habraacyada doorashada.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu si dhow u taageerayo dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa dimoqraadiyadda iyo barwaaqo ay labada dalba gaaraan.

Warka ka soo yeeray Mareykanka ayaa ku soo aadaya, xilli hal sano ay ku buuxdo, markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com