Nin hubeysan oo weeraray Masaajid ku yaala Degmada Afgooye

Nin hubeysan ayaa xalay weeraray Masaajid ku yaala Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo uu halkaasi ku dilay hal qof, halka saddex kalena uu ku dhaawacay.

Ninkan ayaa Masaajidka Raqayle weeraray, xilli dadku ay ku tukanayeen Salaaddii Cishaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkaasi uu ka baxsaday goobta, ka hor intii aysan soo gaarin ciidamada amniga.

Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay in mid ka mida dadkii weerarka ku dhaawacmay uu goor dambe isbitaalka ugu geeriyooday dhaawicii weerarkaasi ka soo gaaray.

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay gaysteen maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Bishii December ayay ahayd, markii rag bastoolado hubeysnaa ay toogasho ku dileen Imaamkii Masjidkaasi, oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Axmed Caliyow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com