6 kursi oo maanta lagu doortay Degmada Baraawe (SAWIRRO)

Doorashada Xildhibanaada Golaha Shacabka oo maalintii 2aad ka qabsoomtay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta lagu doortay 6 Xildhibaan.

Doorashada oo ka dhacday hoolka Xarunta Madaxtooyada ee Baraawe ayaa Xildhibanada la doortay waxay mid ka mida ahayd haween.

Magacyada Xildhibaanadan ayaa kala ah Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), Maxamed Yuusuf Xasan (Waliid), Cabdifitaax Cabdullaahi Aaraaye, Aweys Xasan Macalin, Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Dhoore iyo Jawaahir Cadaawe Cabdi.

Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, Nuuradiin Ibraahim Aadan ayaana ku dhawaaqay natiijada doorashada.

Arbacadii ayay ahayd, markii 7 Xildhibaan lagu doortay Degmada Baraawe, kuwaa oo 2 ka mida ay dumar ahaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com