Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada 13 kursi

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa goor dhow shaaciyay 13 kursi, oo doorashadooda lagu wado in toddobaadka soo socda lagu qabto Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaan Guddiga Doorashada Heer Federaal ku wargelinaynaa liiska kuraasta Baarlamaanka Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Somaliya (Baraawe), ee aan qorsheynayno in aan qabano toddobaadka soo socda, kuwaas oo tirsigoodu hoos ku xusan yahay.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed.

Baraawe oo 26 kursi ay yaallaan ayaa 13 kursi waxaa la doortay shalay iyo maanta, iyadoo xubnaha la doortayna ay 3 ka mida dumar yihiin.

Koonfur Galbeed oo ah Dowlad Goboleedka kuraasta ugu badan laga soo dooranayo ayaa waxaa yaala 69 kursi, kuwaa oo 42 ka mid ah lagu kala doortay Baydhabo iyo Baraawe.

Koonfur Galbeed ayaa noqonaysa maamulkii ugu horeeyay ee Doorashada Golaha Shacabka ka qabta deegaan doorashadiisa 2aad, waana maamulka ugu badan ee qabta doorashada kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com