Ismiidaamin ka dhacday nawaaxiga Xarunta Villa Somalia

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa, oo maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho. Isgoyskan ayaa ka mida h goobaha laga ilaaliyo amniga Madaxtooyada.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isgoyskaasi ku weeraray gaari bas ahaa, oo ay la socdeen Ergada Gobolada Waqooyi ee ku hawlan doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilligii qaraxu dhacayay ay waddada xirneyd, isla-markaana uu ninkaasi is qarxiyay, xilli uu waddada ka gudbay gaarigii uu doonayay inuu bartilmaameedsado.

Goobjoogayaashu waxay kaloo sheegeen in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah, oo xilligaasi marayay waddada dhinaceeda.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ee Aamin Ambulance, Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in gaadiidkooda ay goobtaasi ka qaadeen meydadka 6 qof iyo dhaawaca 13 kale.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in nin is qarxiyay uu beegsaday dad rayid ah, mana jirto faah faahin intaasi dheer oo qoraalka lagu xusay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com