Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Odayaasha Beesha Gaaljecel (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Gaaljecel, oo ka mid ah beelaha degga Gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu odayaashaasi kaga mahadceliyay doorkii muuqday, ee ay ku lahaayeen aasaaska Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Nabadoonada iyo Waxgaradka Beeshan dooorkii muuqday ay ku lahaayeen aasaaska Dowladda Hirshabelle iyo garab istaagga ay la garab jooggaan Hirshabelle.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ballanqaaday in beeshaasi ay heli doonto wixii xuquuq ah ee kaga maqan Hirshabelle, iyana uu kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada & wadajirka bulshada, isla-markaana ay laamaha amniga kala shaqeeyaan amniga Magaalada Beledweyne.

“Madaxweynaha waxa uu ballanqaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Dowladda Hirshabelle, waxa uuna kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan ammaanka iyo xasilinta Magaalada Beledweyne.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, tan iyo markii uu Axaddii gaaray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com