Magacyada: 5 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Muqdisho +SAWIRRO

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay 5 Xildhibaan.

Doorashada oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ayaa shanta xubnood ee la doortay waxay dhammaantood yihiin rag.

Magacyada Xildhibaanadan ayaa kala ah Axmed Cabdi Kooshin, Muuse Saciid Jaamac, Cali Maxamuud Aadan, Cali Cabdi Ibraahim iyo Cabdikhani Ismaaciil Saciid.

Tani ayaa tirada guud ee Xildhibanaada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la soo doortay ka dhigeysa 125 Xildhibaan, kuwaa 25 ka mida ay haween yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com