Guddiga Doorashada Galmudug oo dib u dhigay doorashada mid ka mida kuraastii la shaaciyay

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhigeen doorashada kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP053, kaas oo ka mid ah 8-dii kursi ay jadwalka doorashadooda soo saareen 5-tii bishan.

Kursigan oo lagu waday in Isniinta soo socoto lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ayay Guddiga Doorashada sheegeen in doorashadiisa la qaban doono maalmaha ina soo aaddan, mana sheegin waqti cayiman oo doorashadiisa la qaban doono.

Guddiga Doorashada ayaa qoraal ku sheegay in la soo dhameystirayo habraacyada kursigan, oo shahaadada musharaxnimadiisa ay qaateen 7 xubnood oo haween ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com