Cadar Cali Maxamed oo noqotay haweeneydii 2aad ee Golaha Shacabka ka soo gasho Galmudug

Cadar Cali Maxamed ayaa ku guuleysatay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP081, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Cadar Cali Maxamed ayaa waxaa u tanaasushay gabadhii qura ee lagu waday inay la tartanto, oo lagu magacaabo Nasra Maxamed Dalabey.

Ergada oo qaab gacan-taag ah ugu codeysay ayaa waxay Cadar Cali heshay codad dhan 71 cod, sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada Galmudug.

Cadar Cali ayaa noqonayso gabadhii labaad ee Golaha Shacabka ka soo gasho Galmudug. Waxaa ka sii horeysay Qaali Axmed Diiriye oo 27-kii bishii January lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.

Tani ayaa tirada guud haweenka Golaha Shacabka ee la doortay ka dhigeysa 26 dumar ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com