2 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.
Guddiga Doorashada Galmudug ayaa qabanaya doorashada kuraasta kala ah #HOP025 iyo #HOP081, oo lagu qabanayo hoolka Xarunta Inji.
Kursiga #HOP081 ayaa loo xiray haween oo keliya, waxaana ku tartamaya Nasra Maxamed Dalabey iyo Cadar Cali Maxamed.
Labadan hablood middii kursigan ku guuleysato waxay noqon doontaa gabadhii labaad ee laga soo doorto Galmudug.
Doorasho 27-kii bishii hore ee January ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa Qaali Axmed Diiriye loogu soo doortay inay noqoto gabadhii ugu horeysay ee Golaha Shacabka ka soo gasho Galmudug.
Illaa iyo hadda tirada haweenka Golaha Shacabka ee la doortay waa 25, 125 kursi oo la doortay, oo 100 ka mida ay rag ku soo baxeen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com