Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo uu wehliyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay Korneyl Nuur Dheere, Xildhibaano iyo Saraakiil kale.
Nuur Dheere oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Hirshabelle ayaa hoggaaminayay ciidamadii dhawaan gudaha u galay Magaalada Beledweyne, ee sida adag uga horyimid imaanshaha Madaxweynaha ee magaaladaasi.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in Korneyl Nuur Dheere uu Madaxweynaha ka raaligeliyay ‘qadafkii’ ka dhacay, isla-markaana uu ballanqaaday inuu la shaqeynayo Madaxweynaha.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaanshaha uu u yimid, waxa uuna aqbalay raaligelinta.”
Madaxtooyada Hirshabelle ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu xaliyay dhammaan tabashooyinkii laga qabay maamulkiisa, uuna sii wadi doono kulamada uu magaaladaasi kula leeyahay bulshada iyo inuu qanciyo cid kasta oo tabasho ka qabi karta maamulka.
Madaxweyne Guudlaawe oo sanad iyo billo laga hor taagnaa inuu taggo Beledweyne ayay Axaddii la soo dhaafay u suurtagashay inuu gaaro, waana markii ugu horeysay oo magaaladaasi uu taggo, tan iyo markii xilka loo doortay 11-kii bishii November ee sanadkii 2020.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com