Maxamed Abuukar Jacfar oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan

Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ayaa maanta ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Galmudug, ka dib markii uu ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP025.

Xasan Cali Cismaan oo ahaa musharaxii keliya ee la tartamayay Maxamed Abuukar Cali ayaa ka tanaasulay tartanka doorashada.

Ergada ayaa intaasi ka dib qaab gacan-taag ah ugu codeysay Maxamed Abuukar Cali, oo helay 100 cod, waxaana maya ugu codeeyay mid ka mida ergadii wax dooraneysay oo 101 xubnood ka koobneyd.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Abuukar Cali uu ku guuleystay kursiga #HOP025.

Jacfar ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Degmada Dayniile ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada la magac-baxay Badbaado Qaran, ee ka horyimid muddo kororsigii labada sano ee Golaha Shacabka uu sanadkii hore u sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com