Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka cusub Mareykanka ee Somaliya, Amb. Larry André.
Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhameystirka doorashooyinka dalka, amniga, la dagaalanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Somaliya, Larry André, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhameystirka doorashooyinka dalka, amniga & la dagaalanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com