Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo xadgudub lagula kacay

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa maanta laga hor istaagay, safar uu doonayay inuu ku taggo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo deegaan doorashadiisu tahay.

Gudoomiye Kuxigeenka iyo xubno odayaal ah oo la socday ayaa loo diiday inay diyaarad ka raacaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo ka hadlayay is hortaagga lagu sameeyay ayaa yiri “Anigoo ah Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka, maanta safar ayaan ahaa, waxaana u socday kursigii yaalay Magaalada Baraawe si aan u tartamo.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa dhacday maanta in Garoonka Aadan Cadde la’igu celiyo, la ii diiday inaan meesha ka raaco aniga iyo ilaaladaydii ee aan u socday Baraawe, diyaaraddiina lagu amray ninkaasi ma soo qaadi kartid. Xitaa la isku dayay oo la yiri war afar qof oo odayaal ah oo la socday iyo asaga hala qaado, bataatanba la yiri asaga xitaa lama keeni karo meeshaan, mana imaan karo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Markaan weydiiyay qoladii shirkadda diyaaradaha waxay yiraahdeen Maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar na soo siiyay, qolada Garoonka Baraawe-na waxay na yiraahdaan haddaad u soo qaadaan Baraawe amar la’aan, diyaaradda waan soo ridaynaa.”

Cabdiweli Muudey ayaa arrintani ku tilmaamay mid layaab leh oo dunida aanan ka jirin, ayna gef tahay in qof doodanayo inuu tartamo lagu xadgudbo.

“Waa arrin layaab leh oo adduunka aanan ka jirin in la yiraahdo qof tartamaya, ma tartami kartid, inuu tartamo darteed diidmo la diidayo in la yiraahdo ma imaan karo, in safar uu geli lahaa oo xaqa uu siiyay la yiraahdo ma safri kartid, arrintaasi waxaa waaye arrin meel ka dhac oo gef ah, xuquuqda bani’aadamka uu qofka xaqa u lahaana lagu xadgudbayo inay tahay.” Ayuu yiri Cabdiweli Muudey.

Muudey ayaa yiri “Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxaan u sheegaya xadgudubkaasi inuu maanta igu dhacay, sababta loo diidan yahay inaan meesha tagana ay tahay inaan u tartamo kursiga. Kursiga qabiilaa iska leh, qof iskama lahan, cid gaar kale u lehna maleh, qabiil kalena maleh. Marka kursigii qabiilkii lahaa inuu u tartamo la yiraahdo adiga ma tartami kartid, nin aan anaga rabno maahee nin kale meesha uma tartami karo.”

Hadalkiisa ayuu ku soo geba-gabeeyay “Arrinka asaga ah dadka ka dambeeyo waa la’ogyahay, waan garan karnaa, waana naqaanaa, mana leeskaga hari doono, mid la iskaga hari doonana ma’aha, xisaabteedana way jirtaa, waana la xisaabtami doonnaa. Haddii loo maleynayo hanjaabadda, guulguulka iyo handadaadda in dadka lagu cabsiiyo la rabo in wax looga haraayo, taas leeskagama hari doono, waana lagu xisaabtami doonnaa, maalinkeedeena taggi doontaa, se waxaan u sheegaya inaanan ahayn aniga qof la handadi karo, loo hanjabi karo amaba la guulguuli karo, maxaa yeelay aniga waxa aan raadinayo waa xuquuqdaydii ee xuquuq bani’aadam kale ma’ahan waxa aan raadinayo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com