Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay 4 kursi oo lagu dooranayo Dhuusamareeb

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyay 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, oo berrito lagu dooran doono Magaalada Dhuusamareeb.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP138, #HOP007, #HOP040 iyo #HOP053, kuwaa oo doorashadooda lagu qaban doono hoolka Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.

“Dhammaan ergada iyo musharaxiinta waxa lagu wargelinayaa inay ku soo xaadiraan goobta cod bixinta waqtiga doorashada, hal saac ka hor.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com