Kursigii Aqalka Sare ee Senator Dhagey oo doorashadiisa la qabanayo

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa saqdii dhexe ee caawa shaaciyay inay qabanayaan doorashada kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, oo maalinta Arbacada ay doorashadiisa ka qaban doonaan Magaalada Dhuusamareeb.

Kursigan ayaa ah midkii uu 15-kii bishii November uu iska casilay Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo kursigaasi dib loogu doortay 12-kii bishii August.

Dhagey oo 4-tii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa 24-kii bishii November loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, waana ninka keliya ee inta laba doorasho uu galay, ku guuleysto.

Akhriso warqadda Guddiga Doorashada Galmudug:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com