Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Cabdikariin Faarax Qaarey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Maareeye Kuxigeenkii Tiyaatarka Qaranka Marxuum Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey uu ahaa abwaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna, isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariin Faarax Jiir waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Kuxigeen.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com