Marxuum Cabdikariin Faarax Qaarey oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

Mulaaxamiistihii weynaa ee Soomaaliyeed, Marxuum Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Jiir oo hadda ahaa Maareeye Kuxigeenka Tiyaatarka Qaranka ayaa maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho, oo maanta uu ku geeriyooday.

Aaska Marxuumka ayaa ka dhacay Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan, waxaana aaskiisa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Abwaano, Fannaaniin, ehelkiisa iyo dadweyne kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka ayaa yiri “Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariin Faarax Jiir waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Kuxigeen.”

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna yiri “Allaha u naxariisto Mulaxinkii weynaa Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo maanta geeriyooday. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Cabdikariin Jiir waxa uu ka mid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sameynta oo uu caan ku ahaa. Jannadii Firdows Allaha ugu bishaareeyo marxuumka, ehelka, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Eebbe ha ka siiyo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com