Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Bilowgiiba waxaa tartanka doorashada ka tanaasushay gabadhii keliya ee kursigaasi kula tartameysay, oo lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali.

Ergada ayaa intaasi ka dib qaab gacan-taag ah ugu codeysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo 86 cod ku hantiyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP138.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada.

Illaa afar kursi ayuu qorshuhu yahay in maanta lagu doorto hoolka Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com