Cabdullaahi Aadan Kulane oo ku guuleystay kursigii uu u cararyay (SAWIRRO)

Sidii la filayayba Cabdullaahi Aadan Kulane, Madaxii Shaqaalaha ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa Cabdullaahi Aadan Kulane loogu doortay inuu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka ah.

Guushiisa waxay ka dambeysay, ka dib markii Xasan Cabdi Jaamac uu ka tanaasulay tartanka doorashada ee kursiga #HOP040.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed ayaa ku dhawaaqay in ninkani uu helay 101 cod, ka dib markii ergadii wax dooraneysay ay dhammaantood qaab gacan-taag ah, ay haa ugu codeysay.

Kursigan ayaa noqonayo kiisii 3aad ee maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb, oo sida uu qorshuhu yahay illaa afar kursi lagu dooran doono.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com