Cabdullaahi Aadan Kulane oo maanta ka mid noqonaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Afarta kursi ee maanta lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb waxaa mid ka mid ah u tartamaya Cabdullaahi Aadan Kulane, oo soo noqday Madaxii Shaqaalaha ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Ninkan oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda NISA ee ku eedeysan dilka ama maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax ayaa u tartamaya kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP040, waxaana kula tartamaya musharax lagu magacaabo Xasan Cabdi Jaamac, oo loo arko mid magac u yaal uun ah.

Horey, Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo sidoo kale ku eedeysan kiiskan ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah, ka dib markii uu ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP067.

Xubnaha kale ee maanta tartamaha ayaa waxaa ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u taagan kursiga #HOP138.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la filayaa inuu maanta noqon doono Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ka dib markii ay u tanaasuleen xubno uu ka mid yahay General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), waxaana la tartamaysa gabar lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali, taasoo ay dadku u arkaan mid ninkani u gogol xaaraysa waddadii uu ku gaari lahaa Golaha Shacabka.

Labada kursi ee kale ee maanta lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa kala ah #HOP007 iyo #HOP053.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com