Faarax Cabdi Diini oo ku guuleystay kursiga #HOP007 (SAWIRRO)

Faarax Cabdi Diini ayaa noqday Xildhibaankii 2aad ee maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Faarax Cabdi Diini oo u tartamayay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP007.

Tartanka ayaa waxaa ka tanaasulay Maxamed Cabdi Cali oo ahaa musharaxii qura ee tartanka ku wehlinayay Faarax Cabdi Diini.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay in ergada oo qaab gacan-taag ah ugu codeysay Faarax Cabdi uu helay 76 cod, sidaasi darteedna uu yahay Xildhibaan Golaha Shacabka ka mid ah.

Kursigan kii ka horeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Illaa afar kursi ayay tahay in maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com