Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Malaysia

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa gelinkii dambe ee Axaddii shalay lagu dilay Magaalada Kuala Lumpur ee Xarunta Wadanka Malaysia.

Wararka ayaa sheegaya in iyadoo ku sii jeedda maqaaxi ay ka shaqeyneysay uu waddada u galay nin u dhashay dalka Iraq, oo maqaaxidaasi ay ka wada shaqeynayeen, ka dib markii ay ka diiday inay xiriir yeeshaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkaasi uu dilka gabadha u adeegsaday toorey, ayna goobtaasi ugu geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray tooreydaasi.

Ciidamada Booliska oo goobtaasi gaaray ayaa bilaabay baaritaanka ku aaddan fal dembiyaadkaasi, maanta ayaana la filayaa inay warbixin ka soo saaraan.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaasi ayaa sheegay in Dahabo Cumar ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo wargelisay in ninkaasi uu dil ugu hanjabay, haddii aanay xiriir yeelan.

“Wuxuu u soo bandhigay xiriir uu doonayay, gabadhana ay ka cago-jiiday, ka dibna uu ugu hanjabay inuu dilayo, iyadoo dhowr jeerna u sheegtay Jaaliyadda Soomaaliyeed, arrintaasi bayna u dhimatay ayaanu oran karnaa.” Ayuu yiri Maxamuud Cabdullaahi oo VOA la hadlay.

Amaal Maxamed Saciid (Hogaamo) oo ah Kusimaha Safaaradda Somaliya ee dalkaasi ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan dilka gabadhaasi.

“Markii nala soo wargeliyay, isla markiiba aniga iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda waxaan tagnay goobtii uu meydka gabadha yaalay, waxaana la kulanay booliskii markaasi arrintaasi baaritaankeedii waday, waxayna nagu wargeliyeen in weli baaritaan ku filan aysan samaynin, laakiin ay gacanta ku hayaan, dibna ay nagala soo wadaagi doonaan xogta saxda ah ee ninka gabadha dilay, waxaana booliska maanta ka sugaynaa xogtaasi oo dhameystiran baaritaankii ay sameeyeen. Safaaraddu waxay si dhow ula shaqeynaysaa jaaliyadda iyo booliska oo arrintan gacanta ku haya.”

Dahabo Cumar oo 20 jir ahayd ayaa kaarka qaxootiga ka haysatay Hay’adda UNHCR.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com