Raysal Qorane Abshir oo noqotay haweeneydii 3aad ee Golaha Shacabka ka soo gasho Galmudug

Raysal Qorane Abshir ayaa ku guuleystay kursigii ugu dambeeyay ee maanta doorashadiisa lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP053 oo haween oo keliya ay ku tartamayeen ayay ku guuleysatay Raysal Qorane Abshir.

Raysal Qorane ayaa noqonayso haweeneydii 3aad ee Golaha Shacabka ka soo gasho Galmudug. Horey waxaa Dhuusamareeb loogu doortay Qaali Axmed Diiriye iyo Cadar Cali Maxamed.

Afartii kursi ee qorshuhu ahaa in maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ayay doorashadoodu ka qabsoomtay hoolka Xarunta Inji.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com