Ukraine oo dabacsanaan u muujisay Ruushka, si dagaal looga baaqsado

Ukraine ayaa Ruushka ka dalbatay kulan degdeg ah oo 48 saac gudahood isugu yimaadaan, si ay ugala hadasho xiisadda ka taagan xuduudeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Dmytro Kuleba ayaa sheegay in Ruushka uu ku guul-dareystay inuu Kiev u sharaxo, sababta ka dambeysa ciidamada boqolka kun ka badan ee uu soo dhoobay xuduudda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabada xigta ee Kiev qaadayso ay tahay codsi ku aaddan kulan ay la yeelato Moscow iyo dalal kale oo ka tirsan Guddiga Amniga Yurub, si xal loogu helo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xadka.

Vadym Prystaiko, Safiirka Ukraine ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladdiisu ay iminka ka fiirsanayso himiladeedii ahayd inay ka mid noqoto Gaashaanbuurta NATO, si looga baaqsado buu yiri dagaal dhaca.

Moscow oo marar badan ku celcelisay inaysan duulaan ku ahayn Kiev ayaa dalbanaysa in loo damaanad-qaado inaanay Ukraine ebid ka mid noqon doonin NATO, taas oo Reer Galbeedku ay ka cago-jiidayaan.

Codsiga Ukraine ayaa ku soo aadaya, xilli inta badan Wadamada Reer Galbeedka ay diblomaasiyiintooda kala baxayaan dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Reer Galbeedka ku dhaliilay inay muujinayaan baqdin aan xilligeeda la gaarin, isla-markaana aanu isagu haynin caddeymo muujinaya in Ruushka uu xilligan duulaan ku soo yahay dalkiisa.

Ukraine oo u muuqato mid aan NATO ka helin taageeradii ay ka dooneysay ayaa bilowday siyaasad ay uga xeeladeysanayso dagaal ay la gasho dal ka itaal buuran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com