Booliska Malaysia oo warbixin kooban ka soo saaray dilka gabadha Soomaaliyeed

Booliska dalka Malaysia ayaa warbixin horudhac ah ka soo saaray baaritaanka ay ku hayaan nin ajnabi ah, oo maalintii Axadda gabar Soomaaliyeed ku dilay Magaalada Kuala Lumpur ee magaalo madaxda dalkaasi.

Ninkan oo gabadha ay ka wada shaqeynayeen maqaaxi ayuu boolisku sheegay inuu u dilay, markii ay ka diiday xiriir jaceyl oo uu u soo bandhigay.

Booliska ayaa Safaaradda Somaliya ee dalkaasi u sheegay in weli ay baaritaanka ku guda jiraan, gacantana ay ku hayaan nin midab cad leh, oo aanay sheegin jinsiyadiisa, balse Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ay rumeysan tahay inuu u dhashay dalka Iraq.

Kusimaha Safaaradda Somaliya ee Malaysia, Amaal Maxamed Saciid (Hogaamo) ayaa sheegtay in booliska ay la soo wadaageen warbixin aan dhameystirnayn.

“Booliska waxay noo sheegeen inay ka arkayn CCTV-ga meesha ku xirneyd in gabadha uu dilay nin uu midabkiisu cad yahay, laakiin aysan caddayn karin jinsiyadiisa.” Ayuu tiri Amaal Maxamed.

Amaal Maxamed ayaa tiri “Booliska waxay nala wadaageen inay ninkii soo xireen, baaritaankuna uu socdo, Interpol-ka Malaysia-na uu noo soo gudbin doono marka ay xogta soo dhameystiraan.”

Waxa kaloo ay tiri “Xogaha aan helayno waxay sheegayan in ninka gabadha dilay uu xiriir ka dalbaday, isla-markaana uu guursanayo, balse ay ka diiday, markaasina ay sababtay inuu dilo oo mindi uu ku dhufto.”

Waxay sidoo kale sheegtay in meydka gabadha uu hadda yaalo isbitaal ay leedahay dowladda, meydkana aan la aasi doonin, inta baaritaanka laga soo afjarayo.

“Meydka gabadha wuxuu yaallaa isbitaal ay dowladdu leedahay, lamana aasayo illaa inta uu baaritaanka ka soo dhammaanayo, markaasi ka dib baa laga hawlgalayaa aasitaankeeda.” Ayay tiri Amaal Maxamed.

Alle ha u naxariistee Dahabo Cumar oo 20 jir ahayd, kaarka qaxootigana ka haysatay Hay’adda UNHCR ayaa noqonayso gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee lagu dilo dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com