Dagaalkan ayaa u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab, iyagoona dagaalka isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Shabaabku ay weerareen bar kontorool ay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi.
Kontoroolkan ayaa ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo amniga Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidan gurmad ahaa oo ka ruqaansaday deegaanka Ceelasha Biyaha, ay ku biireen dagaalka ka socdo Xaawo Cabdi.
Weerarkan ayaa daba socdo laba weerar oo caawa ka kala dhacay Degmada Kaxda iyo xaafadda Daarusalaam. Goobahan ayaa laga maqlay qaraxyo si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com