Kursiga uu Fahad Yaasiin u cararayo oo jadwal doorashadiisa la shaaciyay

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay kuraastii ugu horeysay ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga Doorashada ayaa soo saaray liiska 6 kursi, oo noqonaya kuraastii ugu horeysay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne, oo ah goob doorashada 2aad ee Hirshabelle.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP008, #HOP015, #HOP074, #HOP086, #HOP109 iyo #HOP274.

Kursiga #HOP086 waa midka uu u cararayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La taliyaha Amniga Qaranka, waana kursiga uu haatan ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com