Qaraxyo iyo rasaas xoog leh oo caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ay saqdii dhexe ee caawa weerar xoogan ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Degmada Kaxda.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigaasi, ka dibna ay weerar toos ah ku qaadeen dagaal-yahano ka tirsan ururkaaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal-yahanadaasi qaybtood ay hadda ka dhex dagaalamayaan Saldhigga Booliska.

Dhowr qarax oo is xigxigay ayaa laga maqlay qaybo ka mida Magaalada Muqdisho, inta uu weerarkan ka socdo degmadaasi.

Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Degmada Heliwaa, Axmed Nuur Axmed Adeerow ayaa lagu weeraray xaafadda Daarusalaam. Weerarkan ayaa la soo sheegaya in uu ku bilowday qarax aad u xoogan.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa caawa u muuqato mid kacsan, iyadoo dadkuna ay hadalhayaan xaaladda ku soo korortay magaalada.

La-soco wixii ku soo kordha.