RW Rooble oo la kulmay oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ kala hadlay qodobo dhowr ah, oo khuseeya dhameystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan cidna lagu xadgudbin.

Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in aanan la aqbali doonin in ciidamada amnigu ku milmaan arrimaha doorashada ama loo adeegsado in dad gaar ahi kuraas loogu boobo, waxa uuna ku booriyay ciidamadu in ay ku ekaadaan kaalintooda sugidda amniga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com