Mahad Salaad oo si rasmi ah loogu xiray kursiga #HOP147

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Mahad Maxamed Salaad u xiray kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP147, ka dib markii gelinkii dambe ee maanta ay guddoon-siiyeen shahaadada musharaxtinimada ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa shahaadada guddoon-siiyay Shamso Cabdalla Maxamed (Shamis), oo adeer uu u yahay Mahad Maxamed Salaad.

Siyaasiyiinta ayaa kuu sheegaya inay Shamis Cabdalla tahay jaantii uu Mahad Salaad mar kale ku gaari lahaa jidka Golaha Shacabka.

Shamis Cabdalla oo gabar dhallinyaro ah ayaa ka mid ah ganacsatada Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, waana xubinta ugu firfircoon ee u ololanaysa Mahad Salaad.

Madaxtooyada Galmudug ayaa si cad uga hortimid in xubno uu ka mid yahay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ay u tartamayaan kursigaasi, waxaana xusid mudan in Cali Yare loo diiday inuu cagta soo dhigo deegaanada Galmudug.

Madaxtooyada Galmudug ayaa dhegaha ka fureysatay baaqyadii Odayaasha Dhaqanka ee beesha kursigaasi leh, oo ahaa in tartanka kursigaasi uu noqdo mid daahfuran oo si xor ah loogu tartamo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu doonayo inuu u abaal-gudo Mahad Salaad, sababtu tahay garab istaagga uu u muujiyay, markii Xoogaga Ahlu Sunna ay la wareegeen Magaalada Guriceel iyo dagaalkii ka dambeeyay ee bishii October ka dhacay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com