Mahdi Guuleed oo Safiirka Shiinaha kala hadlay gurmadka abaaraha

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee dalka, FEI Shengchao.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Guddiga isku dhafka ee gurmadka abaaraha ayaa Safiirka kala hadlay, sidii ay Xukuumadda Beijing gacan uga gaysan laheyd gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed, ee ay abaarta ba’an saameysay.

Warbaahinta Qaranka ayaa tebisay in kulanka dib loogu eegay fursadaha horumarineed iyo adkeynta xiriirka ee labada dowladood.

“Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, waxaana dib u eegis lagu sameeyay inta uu kulanku socday fursadaha horumarineed iyo adkeynta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com