Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha hay’adaha amniga, ka dib weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Saraakiisha Ciidamada faray in ay qaadaan tallaabooyin dheer ah, oo lagu xoojinayo amniga Caasimadda Muqdisho.
Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qornaa “Ra’iissl Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, ka dib falalkii argagixisadu xalay ka gaysteen qaybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com