Saraakiil iyo askar ka tirsan Haramcad oo xabsiga la dhigay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa amray in la soo xiro Saraakiishii iyo Ciidamadii Booliska Haramcad ee maanta Degmada Kaxda ku jirdilay afar ka mid ah Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho.

Wariye-yaasha ayaa degmadaasi u tegay inay soo tebiyaan weerarkii xooganaa ee xalay Shabaabku ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Kaxda.

Sawirro la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya Wariye-yaashaas oo shaararkii ay xirnaayeen indhaha looga duubay, ka dibna beer beer loo seexiyay dhulka, xilli qorax kulul ay jirtay.

Tani oo ka careysiisay Wariye-yaasha Caasimadda Muqdisho ayaa soo dedejisay amarka ka soo baxay Taliska Booliska ee lagu soo xirixray askartii falkaasi gaysatay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in la soo xiray dhammaanba Saraakiishii iyo Ciidamadii Haramcad ee falkaasi ku lugta laheyd.

Afhayeenka Booliska ayaa raaligelin ka bixiyay dhacdadaasi, isaga oo tilmaamay in Hay’adda Dembi Baarista ee CID ay baareyso dhacdadaasi.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com