Shabaab oo ka hadlay weeraradii ruxay Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa wareysi uu siiyay Radio Andalus kaga hadlay weeraradii xalay ka dhacay Degmada Kaxda iyo xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in habeen bar ay dagaal-yahanadooda weeraro qorsheysan kula wareegeen xeryo ku yaala Magaalada Muqdisho, ka dibna ay ka qaateen gaadiid iyo saanad ciidan, sida uu yiri.

Waxa kaloo uu sheegay in weeraradan ay qayb ka ahaayeen hawlgalada abaabulan ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka, isla-markaana sida uu yiri ay sii wadi doonaan.

“Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay hawlgalo, waana hawlgalo weligoodba socon jiray, laakiin waxaad mooddaa inay xoogaa xalay intii hore ka xooganaayeen, hawlgaladaas oo lagu beegsanayay cadowga.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Hawlgalada way sii socon doonaan, inta gaal iyo gaal raac ay dalkayna Somaliya ku sugan yihiin, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.”

Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa yiri “Goobaha weeraradu ka dhaceen waxaa ugu horeeya Degmada Kaxda, oo qaybo kala duwan uu dagaalku ka dhacay iyo Degmooyinka Dayniile & Yaaqshiid.”

Waxa uu intaasi ku daray “Hawlgaladu 1-dii habeenimo ayay bilowdeen illaa 5-tii subaxnimo ee salaadda laga tukanayay way socdeen.”

Mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxa uu yiri “Khasaaraha ugu weyn ee soo gaaray waa cadowga inuu niyad-jab la kulmay iyo wuxuusan malaysanayn, in Magaalada Muqdisho uu cadowgu moodayay inuu nabad ku jiifanayo ay la gariirtay.”

Waxa kaloo uu yiri “Khasaaraha labaadna waa mid naf iyo maalba leh oo soo gaaray cadowga, gaadiid dagaal iyo hub laga furtay. Sidaad ogtahayba Shabaab hubkooda iyo rasaastooda waxa laga helaa waa cadowga, ayagu hub kale iyo rasaas kale meelna kama keensadaan, khasaaro nafeedna waa jiraa oo dhaawac iyo dhimashaba isugu jira.”

Sheekh Muuse Cabdi, ma sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weeraradan ugu dambeeyay, ee ay ka gaysteen Caasimadda Muqdisho.

Weeraradan oo ay ku bilowdeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay si guud looga dareemay magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com