Wararkii ugu dambeeyay weeraradii Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay labadii weerar ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarka hore oo ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Saldhigga Booliska ee Degmada Kaxda, halkaasoo ay muddo kooban ka dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Sidoo kale weerar uu ku bilowday gaari miineysan ayaa lagu qaaday hoyga Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Degmada Heliwaa, Axmed Nuur Axmed (Adeerow), oo ku yaala xaafadda Daarusalaam.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa sheegay in lix qof ku dhimatay labadaasi weerar, halka lix iyo toban kalena ay ku dhaawacantay. Dadka dhintay ayuu sheegay in afar ka mid ah ay rayid yihiin, kuwaa oo laba ay carruur ahaayeen.

Sidoo kale burbur xoogan ayaa weeraradaasi ka soo gaaray dhismooyinka ku dhow dhow goobihii la bartilmaameedsaday. Muuqaalo laga soo qaaday goobahaasi ayaa muujinaya burbur baahsan oo dhismooyinka qaarkood soo gaaray.

Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay kuwa ka soo horjeeda horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com