Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda oo gaaray Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)

Wasiirka Qorsheynta Somaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno uu horkacayo ayaa galabta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Boosaaso u tegay, sidii uu dhinacyada beeshiisa ugala hadli lahaa doorashada kursiga uu ku fadhiyo ee tirsigiisu yahay #HOP169, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay magaaladaasi.

Wasiirka oo doonaya in mar kale uu ku soo laabto kursigiisa Golaha Shacabka ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si dhow u dhageysan doono fekradaha odayaasha, dhallinyarada, haweenka iyo Ururada Bulshada Rayidka, taasoo sida uu sheegay u sahlaysa in uu si wanaagsan wax uga qabto baahidooda.

Boosaaso oo ah goob doorashada 2aad ee Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu doorto 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Maanta ayay ahayd, markii Guddiga Doorashada Puntland ay ku dhawaaqeen inay bilaabi doonaan kuraasta doorashadooda lagu qabanaayo Magaalada Boosaaso, inkastoo aysan weli muddeynin waqtiga ay bilaabanayso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com