Doorashadii Degmada Baraawe oo la soo geba-gabeeyay (SAWIRRO)

6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Doorashada oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Baraawe ayaa xubnaha la doortay waxay mid ka mida tahay dumar.

Xildhibaanada la doortay waxaa ka mid ah Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga Xukuumadda, Xamza Saciid Xamza oo ku soo laabtay kursigii uu ku fadhiyay iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi.

Magacyada xubnaha kale ee la doortay ayaa kala ah Maxamed Xasan Murjaan, Mukhtaar Axmed Xasan, Aweys Maxamed Cumar iyo Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu.

Kuraastan ayaa noqonaya kuwoodii ugu dambeeyay ee doorashadoodu lagu qabto degmadaasi, ka dib markii la doortay dhammaanba 26-kii kursi ee yaalay.

Tani ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay soo geba-gabaysay doorashada deegaan doorashadeeda 2aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com