Guddiga Doorashooyinka oo hakiyay kursiga uu Fahad Yaasiin u tartamayo

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa caawa shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga #HOP086, ka dib cabasho uga timid odayaasha beesha iska leh kursigaasi.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu wargeliyay Guddiga Doorashada Hirshabelle iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee ka hawlgala Hirshabelle inay hakiyaan doorashada kursigaasi.

Kursigan oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa waxaa u tartamaya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, La taliyaha Amniga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida uu qorshuhu ahaa maalinta Axadda ayay ahayd in doorashada kursigan ay ka qabsoomto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com