Macluumaad: Dilka Ciidanka Haramcad u gaysteen Taliyihii Saldhigga Beledweyne

Taliyihii Saldhigga Booliska Beledweyne, Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege) ayaa maanta ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay gudaha saldhigaasi.

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo boolis kale, xilli saldhigaasi la isugu keenay boqolaal qof oo ciidamadu ku soo qabqabteen hawlgal xalay illaa saakay ay ka wadeen magaalada.

Inkastoo laamaha ammaanka aanay weli wax war ah ka soo saarin dilka Taliyaha ayaa waxaa haddana soo baxaya warar sheegaya in iska horimaadkaasi uu ka dambeeyay, ka dib markii labada ciidan uu muran soo kala dhexgalay, xilli ay ku howlanaayeen isku shaandhayn lagu sameynayay dadkii hawlgalka lagu soo qabtay.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay geerida Taliyaha, isagoo dhanka kalena sheegay inaanan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada. Madaxweynaha ayaana faray Taliska Booliska Hirshabelle inay soo caddeeyaan falka uu ku dhintay Taliyihii Saldhigga Booliska.

Dilka Taliye Duurdege ayaa ku soo aadaya, xilli Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ay si weyn uga horyimaadeen Ciidamadii Gorgor iyo Haramcad ee dhawaan la geeyay magaaladaasi.

Maalinta Axadda ee ina soo aaddan ayaa lagu wadaa in Beledweyne lagu doorto 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com