Saddex Xildhibaan oo ku biiraya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Galmudug ayaa maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.
Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xubnaha la doortay ayaa difaacday kursiga uu haatan ku fadhiyo, oo tirsigiisu yahay #HOP147.
Kursiga 2aad oo tirsigiisu ahaa Kursiga #HOP055 ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Abuukar.
Cumar Cali Cabdi ayaa noqday Xildhibaanka 3aad ee maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ku guuleystay kursiga #HOP035.
Dhuusamareeb oo ay taalo 26 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ayaa waxaa illaa iyo hadda lagu doortay 22 kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com