Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay 7 kursi.
Doorashada oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye ayaa ahayd mid la isku tanaasulay, iyadoo xubnaha la doortay saddex ka mida ay haween yihiin.
Magacyada Xildhibaanadan ayaa kala ah Cabdullaahi Cabdi Maxamed, Maxamed Xasan Maxamed, Caydaruus Saalax Yuusuf, Nuradiin Cabdullaahi Coljoog, Nuuriya Aadan Ciise, Faadumo Ismaaciil Xuseen iyo Sahra Yuusuf Cige.
Kuraasta Gobolada Waqooyi ee taala Magaalada Muqdisho oo 46 kursi ah ayaa waxaa la fahamsan yahay in illaa iyo hadda la doortay 43 kursi, waxaana maalmaha soo socda la qaban doonnaa doorashada kuraasta harsan.
Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa u muuqdo Guddigii doorasho ee ugu horeeyay ee soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com