Tiro kuraas ah oo maanta lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb

Illaa saddex kursi ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Tirsiga kuraasta lagu dooranayo hoolka Xarunta Inji ee Magaalda Dhuusamareeb ayaa kala ah #HOP147, #HOP055 iyo #HOP035.

Kursiga #HOP147 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaa kula tartamaysa gabar lagu magacaabo Shamso Cabdalla Maxamed (Shamis).

Mahad Salaad ayaa la filayaa inuu maanta difaacan doono kursigiisa Golaha Shacabka, bacdamaa tartanka doorashada ee kursigan laga hor istaagay xubno uu ka mid yahay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Cali Yare oo ay taageereysay Villa Somalia ayaa loo arkayay ninka keliya ee kursigaasi ku ciriirin kara Mahad Salaad.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Mahad Salaad ka hor leexiyay cid kasta oo kursigaasi ku ciriirin kartay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com